Farmaajo oo safar dibadda ah u baxayo iyo ujeedka safarkiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socda uu u bixi doono safar dalka dibaddiisa ah, kaas oo uu ku tegayo Uganda, sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in 15 Bishaan uu Magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galo Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaalada Itoobiya oo dagaalo ay ka socdaan iyo xasaradaha siyaasadeed ee kajira dalka Suudaan oo uu Afgembi ka dhacy.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuu.adda Soomaaliya Maxamed Maxa.uud ayaa sheegay in shirkaas lagu falanqeyn doono in isku aragti laga ahaado xaaladaha kajira Gobolka gaar ahaan arrimaha ka taagan dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in muhiimadda shirkaasi uu yahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha iyo qalaalasaha dhiiga uu ku daadanayo ee ka jira labadaasi dal.

Cabdirasaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay ku baaqeyso in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo  culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Kooxda TPLF, waxaana Xukuumadsa Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed oo saaxiib gaar ah la ah Madaxweyne Farmaajo uu wajabayaa xaaladdo adag.