Farmaajo oo Talefoon Deg Deg ah u diray amiirka Qatar iyo arrin cusub oo soor korortay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo Arbaco ah wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA oo shaacisay kulanka Farmaajo iyo Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa xustay in labada dhinac ay ka wada hadleen Arrimaha Gobalka iyo Caalamka.

Ma jiro faah faahin intaas ka dheeraad ah oo laga helay wadahadalka qadka teleefoonka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar.

Labada Mas’uul ayaa kal horey dhowr jeer kulamo kala duwan yeeshay, isla markaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyo sidii loo horumarin lahaa mashaariicda Qatar ay ka fuliso Soomaaliya.