Farmaajo oo weeraray Siyaasiyiinta Soomaalida, isagoo dhalainyarada ugu baaqay ina kacaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalin ku astaysan mirihii ka dhashay halgankii gobannimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku boggaadiyay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in ay u timid dhalinyaro midnimo doon ah, kuwaas oo uu sheegay in ay  u sheegeen in siyaasiyiinta Soomalida yihiin kuwo daneystayaal ah, isla markaana aan ka Shaqeyn danta dadka Soomaaliyeed.

“ Dhalinyarada ii timid aad ayay noogu fogaadeen, waxay  dhaheen siyaasiyiinta danaha dadka kama Shaqeeyaan ee danahooda iyo mida guryahooda ayay ka Shaqeeyaan, waxaana idin leeyahay hadalkaas waa dhab ayuu yiri” Farmaajo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay istaagaan sidii Dhalinyaradii SYL oo kale oo aysan waxba ka sugin siyaasiyiin dano  gaar ah leh mararka qaarna xoog ay isticmaalaan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa uu dhowr jeer fagaarayaal eedeyn kala duwna ugu jeediyay Siyaasiyiinta ka aragti duwan sida uu ku maamulayo dalka Soomaliya.