Fartaag oo noqday xildhibaankii labaad ee Aqalka Sare loo doortay

KISMAAYO-AYAAMAHA-Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, guddiga doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa  ilaa 9 Musharax waxaa ay ku tartamayaan Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamayay Mushatixiinta kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac,hayeeshee markii la guda galay codeynta uu shaaciyay in uu tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac.

Intaasi kadib Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa cod gacan tag ah waxaa ay ugu codeeyeen in Sanoter Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag uu noqdo Xildhibaanka labada ee Aqalka sare ku matala Jubbaland, waxaana uu helay 71 Cod halka laba mudane ay ka aamuseen.

Sidoo kale waxaa goordhow la guda galay doorashada kUrsiga Saddexaad ee Aqalka sare ku matalaya dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo ay ku tartamayaan Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan.