Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dadkii laga musaafuriyay Laascaanood

MUQDISHO-AYAAMAHA-Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbannaanida ee Soomaaliland ayaa boqolaal qof oo ka so jeeda koofurta Soomaaliya ay ka musaafurisay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool ayaa waxaa soo badanaya mas’uuliyiinta cambaareeynaya tallaabadaas kuna tilmaamaya mid laga wanaagsanaa.

Masuuliyiinta arrintaa cambaareeyay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Soomaaliland Faysal Cali waraabe oo dhaliilay habka loo maray waxaase uu sheegay in arrintaan ay ka dambeysay kadib markii magalaada Laasacaanood ay ku soo bateen falalka amni darro oo sida uu sheegay keenay in dadka deegaanku ay dalbadaan in ay amnigooda hagaajistaan oo dadka aan u dhalana laga saaro.

“Dadkii degganaa deegaankaasi waxay yiraahdeen nabad galyadeenii khatar ayay ku jirtaa waxaan doonaynaa inaan hagaajisanno dadka ajanabiga hanalaga saaro” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu sheegay in dad la musaafuriyo aaney Soomaaliland ugu horeyn oo ay arrintaasi ka dhacdo meelo badan oo caalamka ka mid ah isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Sacuudiga.

Habka loo maray musaafurinta dadkaan ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ayaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu ku tilmaamay hab aan cilmiyaysneyn isaga oo muujiyay inuu ka xunyahay, waxaase uu dhinaca kale sheegay in Soomaaliland arrintaa xaq u leedahay.”Qaab maaha cilmiyaysan mid sharaf dil ah ayuu ahaa habka loo maray waan cambaareyay horeyna waan u cambaareeyay haddana waan cambaareynayaa “ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Tallaabadaan ay Soomaaliland dadka uga saartay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool waxaa cambaareyay dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamullada koofur galbeed ee Soomaaliya iyo Puntland oo dadka laga soo daabulay Laasacaanood ku soo dhaweysay deegaannadeeda kuwaas oo ku tilmaamay wax aad looga xumaado sida dadkaas loola dhaqmay,hase yeeshee Faysal Cali Waraabe oo la waydiyay waxa arrintaan Soomaaliland u keeni karto ayaa sheegay in aysan waxaba u dhimi doonin maadama Soomaliland amniga deegaannadeeda ka shaqeynayso.