Filimkii ugu horreeyay ee lagu soo jila hawada sare oo lasoo bandhigay.

MUDISHO-AYAAMAHA-Jilaayaal u dhashay dalka Ruushka ayaa dib ugu soo laabtay dhulka kadib markii ay hawada sare kusoo jileen filim.

Waxaana kamid ahaa Klim Shipenko iyo Yulia Peresild kuwaas oo ka dhaqaaqay xarun caalami ah oo qaabilsan cirbixiyeenada, waxa ay ku dageen dalka Kazakhstan- si ay ula kulmaan koox duubeysay muuqaallada filimka.

Jimcihii kooxda waxaa si lama filaan ah ula soo darsay cilad farsamo oo horseeday inay joojiyaan duubistii filimka- waana filim xujo fur ah maadama uu yahay mid aanan lagu jileynin dhulka balse lagu filimka lagu jilay hawada sare.

Xarunta caalamiga ah ee ciribixiyeenada ayaa barta Twitter-ka soo dhigtay muuqaal ku saabsan jilaayaasha si ay u xaqiijiyaan in filimka lagu soo jilay hawada sare.

Filimkan ayaa ah mid si weyn loogu tartamayo- kaas uu ka dhexeeyo Tom Cruise oo ah jilaa u dhashay Mareykanka isla markaana ku lug lahaa aflaamta Hollywood ee qeybta ka haa mashruuc ay garwadeen ka ahaayeen hay’adda hawada Mareykanka ee Nasa iyo Elon Musk oo ah nin maalqabeen ah oo sameeyay barnaamijka SpaceX ee hawada sare lagu tegayo.

Jilaayaasha kala ah Peresild, Shipenko iyo Oleg Novitskiy, waxay maanta duhurkii ka degeen xarun ku taalla dalka Kazakhstan.

Soo degitaankooda wax saameyn ah kuma yeelan ciladdii farsamo ee saameysay Jimcihii kaas oo horseeday inay lumiyaan kontroolkii qalabkii siday ku dhawaad hal saac.

Jilaayaasha filimka ayaa haatan dib ugu laabtay magaalo ku taalla Ruushka si muddo 10 maalmood ah tababar loogu siiyo halkaas.

Markii ay dhulka ka dhaqaaqayeen jilaayaasha waxaa lagaa baahiyay teleefishinka dowladda Ruushka.

Faahfaahin lagama bixin waxa uu ku saabsanaa filimka ‘xujo furka ah’ balse qeyb kamid ah ayaa u muuqataa in Peresild ay jileysay dhakhtarad daaweyneysay Novitskiy oo ah cirbixiyeen kaas oo xaaladdiisa caafimaad wax looga qaban waayay dhulka isla markaana la qaatay go’aan ah in hawada sare lagu soo daaweeyo.

Fikradda jilidda filimkan waxaa iska laheyd hay’adda Ruusha hawada sare ee Roscosmos, taas oo mar shaqadii ka ceeyrisay madaxii filimkan kadib muran ka dhashay mashruucan.

Sergei Krikalev, oo ahaa nin ku caanbaxay howlgallada hawada sare ayaa dib loogu celiyay shaqadii maalmo uun kadib markii caro xooggan ay ka dhalatay shaqo ka fariisintiisa.

BBC