Fiqi oo banaanka keenay arrin ka dhexeeysa Farmaajo iyo Qoorqoor.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyey sababta keentay inuu khamiistii seddex cisho ka hor shaqada iskaga casilay.

Fiqi ayaa ku dheeraaday wadadii loo soo maray amniga galmudug,isbaarooyinkii yaallay sidii loo qaadi lahaa iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa si weyn ugu dhaliilay Madaxweyne Qoor qoor inuu ilaaway shaqadii galmudug loo igmaday taas badelkeedana uu sanad iyo bar xilka isagoo haya kadaba wareegayey Madaxtooyada Soomaaliya.

“Sida aad aragteen qoor qoor waxa uu mudadaasi ku jiray villa soomaaliya sida inuu yahay agaasime halkaasi ka shaqeeya,ayuu yiri Axmed Fiqi”.

Waxa uu soo hadal qaaday Axmed Fiqi sababta Ahlusuna xoogga loo saarayo oo Al Shabaab la iskugu geyneyn deegaanada ay joogaan qaabkii loo xoreyn lahaa,isagoo dhaliilay hadafka qoor qoor ee dagaalka Ahlusuna ugu fara baxsanayo.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyey Ahlusuna oo uu sheegay tan iyo markii ay Guriceel qabsadeen ay Al shabaab dib uga laabteen deegaano ay joogeen.

Axmed Macalin Fiqi waxa uu ka digay in doorashada iyo dib  udhac kale lala rabo oo Farmaajo taasi ka dambeeyo taas oo bulshada reer galmudug doonayo inuu dagaal ka dhex abuuro.