Fiqi oo tooshka ku ifiyey sababta Al-shabaab ay ubeegsadeen shacabka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta ka hadlayey kulan ka dhacay Muqdisho,ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay umuuqdaan kuwo bur buray loona baahan yahay in la dhameystiro.

Fiqi ayaa waxa uu tooshka ku ifiyey sababta argagaxisada al shabaab ay ubeegsadeen shacabkii lagu laayey qaraxyadii soobe 2 ee sabtidii inay ahaayeen dabar goynta dadka waxtarka uleh dalka.

Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in la nacay kooxda Al Shabaab marka loo eego sidii ay markii hore dadka ucabsan jireen haatana ay garwaaqsadeen inay dagaalka kusoo biireen.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ardayda ugu baaqayaan in hubka qaataan maadaama argagaxisada ay si isku mid ah shacabka iyo mas’uuliyiinta wada leynayaan.

Waxa uu sheegay Wasiir Fiqi in shacabka ay xaq uleeyihiin inay nabad helaan balse taas ay ku imaan karto inay iska xoreeyaan cadowgaan marba maalin boqolaal qof iska dilaya..