Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo markale loo doortay kursiga Golaha Shacabka

8

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota doorashada kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Goordhow waxaa la doortay Kursiga HOP262 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday markalena Maanta loo doortay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana ay ka guuleysatay ka dib markii ay tartanka ka hartay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta ayaa la guda galay, waxaana uu yahay HOP229 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale.

Daah furnaanta doorashada ayaa dood badan la geliyey kadib markii siyaasiyiin badan iyo Midowga Musharaxiinta ay qaadaneen doorashada taas oo markii xal laga gaaray.