Gaadiid cusub oo lagu wareejiyay Booliska Magaalada Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Taliska Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Beledweyne gaarsiiyay Gaadiid ay ku howlgali doonaan qeybta Baarista Danbiyada Gobolka Hiiraan (CID-CIU) Hirshabeelle.

Goobta lagu wareejinayay Gaadiidkaan ayaa waxaa ku sugnaa Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliye kuxigeenka Booliska Hir-Shabeelle Korneyl Xasan Maxamed Ibraahim ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo dhamaan Hay’adihii Gaadiidkaas ugu deeqay Maamulka Hir-Shabeelle.

“Waxaan aad iyo aad ugu Mahadcelinaynaa (Unodc)oo naga taageerto tababarada iyo Qorshaha (CID-CIU) Waxaan sidoo kale Marnaba la iloobi karin (INL) oo Naga Taageerto Dhinaca Dhaqaalaha dhamaan Barnaamijyada Baarista Danbiyada Soomaaliya Guud ahaan Gaar ahaan Hirshabeelle, Waxaad tihiin saaxiibo aanan marnaba iloobi doonin sidii aad noogu garab istaagteen nooguna garabtaagan tihiin inaan Dhiisano Hanaan baaris oo Casri ah ayuu yiri” Taliye kuxigeenka.