Gabadha ugu da’da yar Aqalka sare oo bedeshay booskii Ex Senatar Ilyaas

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada qaar kamid ah xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo Goordhow lagu doortay Xildhibaankii labaad ee Aqalka Sare.

Munaasabadda doorashada oo ay ku sugan yihiin, Xildhibaannada Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, guddiga doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilafaadka doorashooyinka ayaa Ilaa  10 Musharax waxaa ay ku tartamayeen Shan kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare.

Ayaan C/llaahi Aadan ayaa loo doortay Kursiga Aqalka Sare oo ahaa booskii Ex Senatar Ilyaas Cali Xasan.

Ayaan ayaa heshay 79 cod, waxaana la filayaa inay noqoto qofka ugu da’da yar ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad

Ayaan Cabdullahi Adan ayaa ah 30 sano jir, Iyadoo Afarta sano ee soo socota Beesheeda ‘Raxanweyn’ ku matali doonta Aqalka Sare.