Gabadhii Taalibaan Madaxa ka toogatay oo dhigatay aroos cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gabadha ku guulaysatay biladda nabadda ee Nobel Peace Prize Malala Yousafzai ayay is guursadeen lammaaneheeda cusub kadib ixaflad Islaami ah oo ka dhacday Birmingham.

Iyada iyo Casayr Maalik waxay ka qayb qaateen xaflad aroos, oo sidoo kale ay dad kale kasoo qeybgaleen.

24 jirkan u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka ayaa sheegtay in ay u tahay “maalin qaali ah”.

Gabadhan oo si gaar ah ugu dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka Pakistan ayaa magangalyo ka heshay West Midlands ka dib markii Taliban ay madaxa ka toogteen sanadkii 2012.

“Casayr iyo anigu waxaan aannu seeska u dhignay inaan noqono lammaane,” ayay ku soo qortay twitter Talaadadii, iyada oo la wadaagaysa dadka sida ay uga qayb qaateen “xaflad yar oo guurkooda ah oo ay ka qaybgaleen qoyskoodu”.

“Waan ku faraxsanahay inaan u midaw safarka nolosha ee nagu soo fool leh,” ayay raacisay.

Malala, oo hadda 24 jir ah, waxa ay jirtay 15 jir markii kooxda Talibanka ee Pakistan ay beegsatay iyada oo u hadlaysay xaqa ay gabdhuhu u leeyihiin in ay wax bartaan.

Way ka badbaaday weerarkaas, kaas oo nin xagjir ah uu la raacay baska dugsiga ee woqooyi-galbeed ee dooxada Swat ka dibna uu rasaas ku furay, oo dhaawacay laba ka mid ah saaxiibadeedii dugsiga iyo sidoo kale Malala.