Gabadhii ugu horreeyey ee Soomaaliya uga qayb galaysa ciyaaraha feerka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynayso dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada. Ramla ayaa maanta ku shaacisay barta Twitter-ka inay u soo baxday Ciyaaraha. Waxay noqonaysaa haweeneydii ugu horreysay ee abid si xirfadaysan feerka ugu tartamaysa ciyaaraha Olimbikada iyada oo matalaysa Soomaaliya.

Iyada oo ay ciyaaraha olombikada bilaabanayaan bishan, Soomaaliya ayaa sannadkan haysata ciyaaryahanno ku matalaya Olimbikada. Ramla Ali, ayaa tartanka Olimbikada waxa ku wehlisa Munirah Warsame oo iyadana Soomaaliya ku matalayso qaybta orodka.

Ramla ayaan la safari doonin kooxdeeda, sida ku cad qoraalka ay soo dhigtay Twitter-ka. balse, seygeeda ayaa la joogi doona Guul iyo guul-darraba, ka qaybgalka Ramla ee Ciyaaraha Olombikada ayaa horumar weyn u ah tartanka feerka Soomaaliya.

Ramla iyada oo ilmo yar ah ayaa qoyskooda ka qaxeen magaalada Muqdisho horraantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday. Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa.

Ramla oo 31 jir waxay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.

Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.

Ramla Cali ayaa ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing.