Gabadhii ugu horreeysey oo Somalia ku metelaysa ciyaarta “feerka & laadka”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Somalia ayaa markii ugu horreeysey gabar u diraysa ciyaaraha difaacu nafsiga ee looga qayb galo Olombikada Kulaalaha.

Olombikada kulaalaha oo baaqday sanadkii tegey ee 2020, ayaa ka dhacaya magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Gabadhan ayaa ka qeybgali doonta ciyaaraha fudud, gaar ahaan nooca ciyaarta loo yaqaan Teakwondo-ga..

Waxaa gabadhan lagu magacaabaa Muniira Warsame, waxayna ku dhalatay dalka Ingiriiska, iyadoo meteli doonta calanka Somalia.

Taekwondo, Tae Kwon Do ama Taekwon-Do waa nooc ka mid difaacu nafsiga oo ay Korean-ku hindiseen, waxaana ay ku dhisan tahay feer iyo laad madaxa jooggiisa lala beegsanayo, sida ka muuqata magaca Tae kwon-Do oo ka dhigan “fankii feerka iyo laadka.