Gabar aroos aheyd oo Muqdisho lagu toogtay daqiiqado yar kahor guurkeedii!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo hubeysan ayaa xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdiaho ku toogtay gabar aroosad eheyd oo xiligaasi u socotay hoolkii laga galbinayay.

Marxuumada la dilay oo lagu magacaabi jiray Caasha Daahir Xasan ayaa la toogtay daqiiqado yar kadib markii ay ka baxday goob dumarka lagu qurxiyo (Bukuyeer), xili ay ku sii jeeday hoolkii ay ka socotay xaflada galbinteeda ama guri geynteeda.

Hidaaya Ibraahim Faarax oo ah hooyada dhashay aroosada la dilay ayaa warbaahinta u sheegtay in sidoo kale la dhaawacay gabadha abtigeed oo xiligaasi la saarnaa mooto Bajaajta, waxaana weerarkaasi geystay Tuugo dhac u geysaneysay dadkan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadda saldhigga booliska degmada Kaaraan ay gacanta ku soo dhigeen mid kamida ragii falkaasi dilka ah geystay, iyadoo la baadi goobayo kooxihii kale ee la socday ee weerarkaasi wax ka fuliyay.

Si kastaba, Hooyo Hidaaya ayaa laamaha amniga ee dowladda ka dalbatay iney cadaalada mariyaan dadkii nolosha dhaafiyay gabadheeda habeenkii aqal galkeeda, waxeyna tilmaamtay iney wali dareemeyso xanuunka ay ka qaaday naxdinta dilka gabadheeda.