Gabar ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaarah oo kamid aheyd dadkii ku dhimatay Qaraxii Maanta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Ceel-gaab ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof Is-miidaamiye ah, wuxuuna ku dhex qarxay gaadiid farabadan oo taagnaa Barta Koontarool ee laga ilaaliyo Villa, xili ay sugayeen hubinta gaadiidka.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta xiligii uu qaraxu dhacayay, halka 5 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa hooyo iyo labo wiil ah oo ay dhashay oo saarnaa Mooto Bajaaj. Waa geeri laga dhaxo.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka oo shacab ah.

Hibaaq waxaa la sheegay inay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka.

Allah u naxariisto dhammaan intii ku dhimatay intii dhaawacantayna Allah caafimaad hasiiyo.