Gabar sarwaal Jiinis ah ay xiratay darteed loo dilay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Toddobaadkii la soo dhaafay, 17-jir lagu magacaabo Neha Paswan ayaa la sheegay inay garaaceen xubno ka tirsan qoyskeeda ee ku nool gobolka woqooyiga ee Uttar Pradesh taas oo u dhimatay jirdilkaasi. Waxaa la sheegay inaysan qoykeeda ku faraxsanayn inay xirato sarwaal jiinis ah.

Hooyadeed, Shakuntala Devi Paswan, ayaa  sheegtay Hindi in gabadha yar ay si xun ul ugu garaaceen awowgeed iyo adeerradeed ka dib markii ay ku murmeen dharkeeda iyagoo ku sugan gurigooda oo ku yaal tuulada Savreji Kharg ee degmada Deoria, oo ka mid ah deegaannada ugu horumarsan gobolka.

“Waxay soomanayd maalin dhan iyadoo gudaneyso waajibaadkeeda diimeed. Galabkii waxay xirtay sarwaal jiinis ah waxayna sii wadatay cibaadadeeda balse xaaladda waxay is badashay markii ayeeyadeed iyo awoowgeed ay ka soo horjeesteen jiiniska ay xiratay, Neha ayaa ku jawaabtay in jiiniska loo sameeyay in la xirto,” ayay tiri hooyadeed.

“Doodda ayaa cirka isku shareertay, taas oo ay ka dhalatay rabshada ay Neeha nafteeda ku weysay,” ayay ku andacoonaysaa hooyadeed.

Shakuntala Devi ayaa sheegtay in gabadheeda ay miyir daboolantay, sodohdeed ayaa u yeeray gaari waxayna sheegtay inay isbitaalka u qaadayaan.

“Iima aysan ogolaan inaan raaco sidaa darteed waxaan ku wargaliyay ehelkayga oo aaday isbitaalka degmada iyagoo raadinaya gabadha laakiin ma aysan helin.”

Subaxdii xigtay, Shakuntala Devi waxay tiri, waxay qoyskayga maqleen in meydka gabar uu ka laalaado buundada webiga Gandak ee gobolka dhex marta. Markii ay baadigoobka aadeen, waxay ogaadeen inuu meydkaasi yahay kii Neha.

Booliska ayaa gudbiyay dacwad dil ah iyo bur burinta cadeymaha 10 qof, oo ay kujiraan Neha ayeeyadeed, adeeradeeda, eedooyinkeeda, iyo darawalka gaariga. Eedeysanayaasha ayaan wali wax war ah ka soo saarin dacwadda loo haysto