Gabar Soomaali ah iyo ninkeed oo loo soo qabtay afduubkii Xafsa Luqmaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarayaasha Kenya ayaa soo xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii iyo jirdilkii bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan.

Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo xiray hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop.

Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda.

“Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya.

Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.

Afduubayaasha ayaa lacag madax furasho ah oo gaareysa Sh5milyan ka dalbaday qoyskeeda.

Si kastaba lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta.

Labada eedeysane ayaa lagu wadaa in berri la soo taago maxkamadda.