Gabar Soomaali ah oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslimaddii oo garsoore kubadda cagata ka noqota UK

MUQDISHO AYAAMAHA Gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah oo garsoore ka noqota UK ayaa sheegtay in ay hiigsaneyso in ay dhex dhexaadiso heerka ugu sareeya, waxa ayna haweenka kale ku dhiiri galisay in ay soo raacaan wadada ay marayso.

Jawaahir Rooble waxay jirtay 10-sano oo kaliya markii ay iyada iyo qoyskeedaba magan-gelyo doon ka noqdeen London kadib markii ay kasoo carareen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Jawaahir oo ku nooleyd meel aan sidaa uga fogeyn garoonka kubadda cagta ee Wembley iyo ciyaaristii kubbadda cagta ee dugsiga hoose ayaa ahayd tallaabadii ugu horreysay ee safarkeeda garsoorenimo.

Wareysi ay horay u siisay BBC Sport ayay kaga hadashay barashada Ingiriisiga, sida ay u maareyso takoorka iyo yoolalka shaqadeeda..

“Erayada ingiriiska ah si dabiici ah ayey u soo bixayeen afkayga, waxaanan is weydiiyay qofka sidan ugu hadlaya afka ingiriisiga ma adigaa?.”

Jawaahir waxa ay sheegtay in ay ku riyoon jirtay in ay England ku matasho kubadda cagta, balse waalidkeed ay ku dhiiri galiyeen in ay sii wadato xifaddeeda caadiga ah”.

“Waxa aan doonayay in aan u ciyaaro England laakiin waalidkey waxa ay moodayeen in aysan waligeed dhici doonin” ayay tiri. “Waxay doonayeen inaan wax barto oo aan helo shaqo caadi ah sida habluha kale.

Jawaahir Roble
               Gabar Soomaali ah oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslimaddii oo garsoore kubadda cagata ka noqota UK

Jaceylkeeda kubadda cagta waxa uu ka soo bilowday gurigeedii Muqdisho markii ay la ciyaareysay caruurtii ay xaafaddii deganayd iskula noolaayeen iyadoo weliba magaalada hareeyeen dagaal xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda.

Sannadkii 2014-kii iyadoo 19 sano jir ayaa waxay si dhab ah ugu duubatay inay dhiiro geliso gabdhaha Muslimiinta ah ee kubadda cagta dheela.

2013-kii ayaa waxay heshay lacag gunno ah taas oo u sahashay inay ku biirto tartanka kubadda cagta

Sannadkii 2017-kii, waxay ku guuleysatay mid ka mid 11-kii abaalmarin oo loo yaqaano Respect Awards.

2014, Jawaahir oo markaas 19 jir ahaa ayaa qortay: Waxaan ku riyooday in walaalahayga gabdhaha Muslimiinta ah maalin maalmaha ka mid ah ay si farxad leh u ciyaaraan kubadda cagta. Ujeedadaydu waa inaan gabdhaha Muslimiinta ah ka qaybgeliyo ciyaaraha kubadda cagta ah laga bilaabo da’da 8 sano ilaa 15. Ujeedadeyda guud waa inaan kor u qaado kubbadda cagta oo ah xirfad lagu hawlgeliyo gabdhaha da’da yar ka dibna aan socodsiiyo aqoon-is-weydaarsiyo caawiya horumarinta xirfadaha dhismaha kooxda, kor u qaadida kalsoonida iyo sidoo kale kor u qaadida qaab nololeed caafimaad leh.