Gabar Xildhibaan “kufsaday oo is gubtay” Kadib markii ay caddaalad weyday!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gabadh Hindiya u dhalatay ayaa geeriyootay ka dib markii ay dab is qabadsiisay, iyadoo ka cabaneysa sida loola dhaqmay ka dib markii xubin ka tirsan baarlamaanka ay ku dacweysay inuu kufsaday.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa mar kale toosh ku ifisay kufsiga iyo sida loola dhaqmo haweenka Hindiya.

Gabadhan oo 24 sano jir ahayd ayaa toddobaadkii la soo dhaafay is gubtay kaddib markii ay ka hadashay sida ay booliiska iyo waaxda caddaaladda u maareeyeen kiiska xildhibaanka ay ku eedeysay inuu kufsaday.

Gabadhan iyo saaxiibkeed ayaa toddobaadkii hore barta Facebook toos oo ugu baahiyay dhacdada oo ahayd in ay gaas isku shubeen ka dibna is gubeen, labadoodaba.

Gabadha iyo saaxiibkeed ayaa isbitaal loola cararay maadaama gubasho aad u daran ay qabeen, saaxiibkeed ayaana geeriyooday Sabtidii, halka ay gabadha geeriyootay Talaadadii.

Waxay ka soo safreen gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Uttar Pradesh, iyagoo tegay magaalada caasimadda ah ee Delhi, halkaas oo ay isku gubeen, bannaanka maxkamadda ugu sarreysa dalkaas, waxayna naxdin ku abuurtay bulshada dalkaas.

Gabadhan ayaa Atul Rai, oo ka tirsan baarlamaanka Hindiya, xubinna ka ah xisbiga Bhujan Samaj, inuu ku kufsaday gurigiisa oo ku yaalla Varanasi. Markaa ka dib, sannadkii 2019 ayay booliiska ku dacweysay.

Booliiska ayaa bil ka dib xiray Ray, balse wuu beeniyay dhammaan eedeymaha. Wuxuu xirnaa labadii sano ee la soo dhaafay.

Xildhibaanka walaalkii ayaa dhammaadkii sannadkii hore dacwad ka gudbiyay gabadha, isagoo ku eedeynaya khiyaano, balse way beenisay. Si kastaba, maxkamadda ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo.