Gabdhaha ciidanka Harmacad oo looga digay isticmaalka TikTok

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhawaan waxaa dalka Turkiga loo qaaday tiro gabdho ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad ee Soomaaliya, gabdhahan oo tiradoodu gaareyso 48 waxay tababar kala duwan kusoo qaadaan doonaan dalka Turkiga.

Waa markii ugu horeeysay ay Soomaaliya yeelato koox wada gabdha ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Janaraal Zakiya Xuseen xilli ay sagootineysay gabhaha.

Taliyaha ayaa dardaarn dheer siisay gabdhaha, waxay ugu baaqday inay ilaaliyaan mas’uuliyad ah inay yihiin ciidan qaran isla markaana ay isku duubnaadaan.

“Marka koowaad waxaad matashiin qarankiina, mas’uuliyadda idiin waa mas’uuliyad safiir oo kale, maanta haddaad noqotiin ciidan la kari karin amar qaadaneynin oo ciyaal suuqnimo ku dhaqma waxaa la leeyahay gabdhaha soomaaliyeed baa sidaas ah..waxaad ogaatiin in aad matashiin qarankiina iyo ciidanka booliska soomaaliyeed”

Waxay gabdhahan u ambabaxayay Turkiga kula dardaarantay inay ka fakaaraan sidii looga hortaggi lahaa tacaddiyada ka dhanka ah dumarka ee ka dhaca Soomaaliya.

“Ogaada gabdhaha soomaaliyeed dhibaatooyin badan bey la kulmaan ama kufsi ha noqoto , dil ha noqoto, afduub ha noqoto , guur khasab ah ha noqdo, maanta haddey helaan ciidan gaar ah oo gabdho kaliya ah ka tirsan oo iyagu xuquuqdooda u doodayo gabar walbo soo kuma seexan karto nabad iyo barwaaqo”