Gabdho Soomaali ah oo markii ugu horraysay xildhibaano loogu doortay Addis Ababa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saxarla Cabdullaahi Bahdoon, wasiiru dowlaha arrimaha Caafimaadka dowladda Federaalka ee waddanka Itoobiya ayaa inta la og yahay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loogu doorto magaalada Addis Ababa.

Waxa ay ku soo baxday xildhibaanka xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah.

Sidoo kle Farxiya Maxamed cumar ahna wasiiru dowlaha dhaqanka ee dalka Itoobiya iyo Faa’isa Maxamed Cumar oo ah madaxa xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska ismaamulka Magaalada Addis Ababa ayaa ka mid noqonaya golaha cusub ee degaanka caasimadda dalkaas, Itoobbiya.