Gabdho Soomaaliyeed oo ka murugsan Quruxlowgii xabsiga lagu xukumay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gabdhaha Soomaaliyeed qaarkood, iyo kuwa kale ee caalamka ayaa baraha bulshada aad uga hadal haya nin dhallinyaro ah oo maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay ku xukuntay xabsi muddo dheer kaddib markii uu shil gaari dad ku dilay.

Cameron Herrin, oo sanadkii 2018 isaga oo 18 jir ah waday gaariga nooca Ford Mustang ayaa hooyo iyo gabadheeda ku jiirsiiyay gaarigaasi xaafadda Bayshore Boulevard dalka Mareykanka, waxaana Khamiistii lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah.

Herrin iyo nin kale oo lagu magacaabo, John Barrineau, ayaa lagu eedeeyay inay tartamayeen markii uu dhacayay shilkaas. Barrineau ayaa sidoo kale wuxuu wajahayaa lix sano oo xabsi ah.

“Dembigan wuxuu galaaftay nolosha labo qof oo qurux badan afar qoysna qalbi jab ayuu ku riday,” Xeer Ilaaliyaha Gobolka Andrew Warren. “Xukunna ma dhayi karo amaba dib uma soo celin karo dadkii dhintay, balse waxaan rajeyneynaa in natiijadan ay xoogaa niyadda u djein doonto qoysaska Jessica iyo Lillia.”

Gabdho badan oo ka fal celiyay xkunka lagu riday Cameron Herry ayaa sheegay inuu yahay quruxlow aan u qalmin in xabsiga la dhigo, iyadoo qaarkood ay si kaftan leh u sheegeen inay booskiisa ku beddeli lahaayeen 10 wiil oo Soomaali ah. Gabdhaha qaar ayaa ku kaftamay in tani ay jawaab u tahay sida ay dhawaan wiilasha Soomaaliyeed uga daba dhaceen fannaanada reer Sudan Nada Al Qala.

Waxaa jira gabdho kale oo feker kaas ka duwan qaba, sida Khayriya Bintu Siciid, waxay tiri: “Wiil Soomaliyeed ayaan tageera war gabdhaw iska daaya wiilkaas xitaa hadaad jeclayn heli maysaan raggeennii Soomaalida ahaa geesiyaasheenii ba buuxa.”

Hibak Axmed ayaa iyaduna tiri, “Mid aan ogahay oo Soomaali ah kama qurux badna marka laga reebo timaha xataa qoorta dheer iyo hab labiskiisa.”

Qareennadiisa ayaa ku dooday in maskaxda 18 jirka aysan wlei si fiican u korin, sidaas darteedna laga fiirsado xukunka.