Gabdho walaala ah oo sanadkasta Gaalkacyo  ku xusa dilka Qadaafi.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta waxaa 10 sano laga joogaa dilkii hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al Qadaafi. Waxaa la dilay xilligii dalkaas uu ka socday kacdoonkii xilka looga tuurayay, kaas oo dagaal sokeeye iyo qalalaaso isu bedelay.

Haddaba, Farxiyo Qassim Xaaji Xuseen iyo Sucaad Qassim Xaaji Xuseen, oo ah gabdho walaalo ah, ayaa xus 10-guurada ka soo wareegatay dilkii Qadaafi. Waxay maamuuska ku sameeyeen magaalada Galkacyo.

Gabdhahani walaalaha ah ayaa sheegay in sannad kasta, 20-ka Oktoobar ay u tahay maalin gaar ah oo ay u duceeyaan madaxweynihii hore ee Libya, Qadaafi.

Farxiyo Qassim Xaaji Xuseen oo ku sugan magaalada Galkacyo, ayaa BBC Somali u sheegtay in sababta ay ugu duceeyaan Qadaafi ay tahay in markii uu madaxweynaha ka ahaa Libiya uu si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaas.

“Way suurowday. Si qurux badan bay ku dhacday in aan u tagno Mucammar Qadaafi. Madaxtooyadii ayaa nala geeyay si fiican buu noo soo dhaweeyay, waana ku faraxsanahay, waana taa sababta aan u xusuusaneyno oo aan ugu duceyneyno saaka ugu dambeysay”.

“Waxaan kala hadalnay; maadama inaga dad yaryar aan aheyn, waxaa inoo caddeyd in aan dibadda aadno inkasta uu arrintaas naga waaniyay,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in uu ku dhahay “dalkiina baad joogtaan, dal Islaam baad joogtaan, gabdho soomaaliyeed oo Muslimaad ah baad tihiin, wax barta waan idiin caawineynaa, dhaqaale ayaan idiin siineynaa, guri baan idiin siineynaa, dega oo jooga,” ayay Farxiyo u sheegtay BBC Somali.

Waxay intaas ku dartay in Qadaafi uu kula taliyay in aysan u dhoofin dhinaca Yurub balse ay joogaan Libiya, isagana uu wax kasta ka siiyay.

“Aad baan ugu faraxnay, dhaqaale fiicanna waan ka helnay, deegaan fiican waan ka helnay, intii aan joognay wixii aan rabnay waan gaarnay, ma uusan jecleyn waddamada Yurub, wuu inaga waaniyay”.

BBC