Gadiid dagaal oo laga dejiyay magaalada Baladweyne+UJEEDKA

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ka dagay Diyaarad sida gaadiid nooca ay isticmaalaan Ciidamada Booliska iyo gadiid dagaal iyo mootooyin.

Waxaa gawaaridan ka hadashay Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo sheegtay in gaadiid gaaraya ilaa 5 Cabdi bile iyo Mootooyinka nooca laba lugaaleyda ay gaarsiisay Magaalada Baladweyne, laguna wareejiyay Maamulka.

Wasaaradda amniga ayaa xustay in gaadiidkan ay adeegsan doonaan Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan iyo kuwa Booliska Baladweyne, isla markaana loogu tala-galay inay ku shaqeeyaan Ciidanka.

Sidoo kale Ciidamada Booliska Hirshabeelle ayaa gaadiidka iyo Mootooyinka isticmaali doona, xiliyada ay sameeynayaan howlgalada kala duwan ee lagu xaqiijiyo amniga Gobolka, waxaana gaadiidka uu yahay 5 Gaari iyo afar Mooto oo laba lugaaley ah.

Waxaa Tallaabadan gaadiidka lagu geeyay Baladweyne kusoo aadeysa, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda Magaaladaas ay ka dhacdaan doorasho.