GALMUDUG:- Ciidamo Hubeysan Oo Kala Dhex-Galay Maleeshiuaad Dagaal dhexmaray.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad iyo Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala qaaday maleeshiyo beeleed hubeysan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dagaalamay Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Baxdo gaab oo ka tirsan Galgaduud, waxaana dagaalka uu salka ku haayay Arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan.

Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Booliska Galmudug ayaa ku guuleystay kala qaadista maleeshiyaadka, waxaana Ciidamada la socday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka iyo xubno kale oo waan-waan wada.

Sidoo kale Xildhibaanada iyo Saraakiisha ayaa kulan la qaadan doona Odayaasha iyo Waxgaradka kasoo jeeda beelaha dirirto dhexmartay, iyagoona kala hadli doona sidii xal looga gaari lahaa Colaada, heshiisna loogu dhammeyn lahaa wax kasta.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee gelinkii dambe ee shalay ka dhaca deegaanka Baxdo gaab ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo dhinacyada dagaalamay, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.