Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ka hortimid jadwalka isu yeerista iyo dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Labada Maamul Goboleed ee Koofur Galbeed iyo Galmudug oo taabacsan Villa Somalia ayaa ka hortimid jadwalka isu yeerista iyo dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT uu soo saaray, waxaana ay caddeeyeen inay aqbalayaan oo kaliya jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyaan Golaha Wadatashiga Qaran.

“Koonfur Galbeed waxay kaliya aqbalaysaa jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sidookale Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017”.

Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa isna ku raacay Go’aankii Koonfur Galbeed ” “Hadaba, Dowladda Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.Ugu danbeyntii, Dowladda Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hanaanka doorashooyinka”

Arrintaan ayaa u muuqata mid markale ay dib u dhac ku imaan doono doorashada Soomaaliya, ayadoo aan weli la ogeyn xiliga la soo afjari doono doorashadaan qaadatay muddada 2 sano ah.