Galmudug oo shaacisay doorashada kuraas tartankooda isha lagu wada hayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taal Gaalkacyo.

Waxaa uu guddiga uu shaaciyay in doorashadan ay dhici doonto 12ka bishan March oo ah saddex maalmood kahor xilligii loo asteeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Saddexda kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ay kala yihiin;

HOP#38 Waxaa ku fadhiyay Axmed Macalin Fiqi Axmed

HOP#69 Waxaa ku fadhiyay Xildhibaan C/raxmaan Odawaa.

HOP#95 Waxa ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac.