Galmudug oo shaacisay jadwalka doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka

Doorashada Kursi Kamid Ah Golaha Shacabka
Doorashada Kursi Kamid Ah Golaha Shacabka

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulada Galmudug & Jubbaland ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada min Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo ee Gobolada Galgaduud iyo Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo taariikhdu tahay 16 la diiwaangelinayo musharrixiinta Saddexda Kursi oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug, isla markaana Beri oo khamiis ah la qabanayo Saddexda Kursi ee kala ah.

1: HOP#147 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Mahad Maxamed Salaad, waxaana kursigaas u sharraxan Xubno uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaasir Cali Yare Cali.

2: HOP#035 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha guddiga amniga ee golaha shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey

3: HOP#055 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Sakariye Xasan sheekh Cali.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada halka kursi ee ka harsan Aqalka Sare, kaas oo uu baneeyey Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo u wareegay Golaha Shacabka, waxaana ku tartamaya Farxaan Cali Maxamuud oo ah Wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo Naciimo Yuusuf Sheekh Maxamed.