Galmudug Oo Shaaciyay Doorashada Kuraastii ugu badneyd.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyay qabashada 21 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug, kuwaasi oo doorashadoodu dhici doonto maalmaha soo socda.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inay ku guda jiraan soo bandhigida Liiska Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada kuraasta Caawa lasoo saaray.