Galmudug oo soo bandhigtay Ciidamo loo diyaariyay la-dagaalanka Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Dadka Deegaanka Wisil, kuwaas oo loo diyaariyay xoreynta Koonfurta Gobolka Mudug .

Tababarkaan ayaa waxaa bixinayay Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug, waxaana soo xiritaankii ka qeyb galay Saraakiisha ka tirsan Xoogga Dalka,Daraawiishta iyo mamaulka deegaanka Wisil

Geedi Qalabxoor oo ka tirsan Saraakiisha Tababarka Bixinayay ayaa Warbaahinta Dowladda  uga warbixiyay Ciidanka Tababarka qaatay ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo si iskood ah ay dadka degaanka u qoreen, hayeeshee wixii xilligaan ka dambeeya ay katirsan yihiin Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamed Xaashi kana tirsan Xoogga Dalka ayaa fariin Dardaaran u jeediyay Cutubyadaan Ciidankaa tababarka qaatay., isaga oo ugu baaqay inay si wanaagsan ugu adeegsaanBulshadooda, isla markaana ka qeyb qaataan dadgaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degaanno badan oo kuyaalla Koonfurta Gobolka mudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo u dahxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.