Galmudug Oo Soo Saartay Liiska Kuraasta Taalla Gaalkacyo

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Guddiga Doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo oo ah Goobta degaan doorashada labaad ee Galmudug

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay Liiska 11-kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka Barlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo doorashadooda la qaban doono.

11 kursi ee la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah kursiga #HOP069 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaa Odawaa, waxaana tartanka kursigan uu ka mid yahay kuraasta sida weyn isha loogu haayo oo tartankiisa ka dhaxeeyo Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa iyo Wasiirka Ku-xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala.

1: Hop#001 oo kursigaan uu ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax)

2: Hop#018 oo uu hadda ku fadhiyo Qaasim Maxamed Jaamac.

3: Hop#038 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

4: Hop#101 ayaa waxaa hadda ku fadhiya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xersi Aadan Rooble.

5: Hop#060 oo ay ku fadhido Ubax Tahliil Warsame.

6: Hop#095 oo afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac).

7: Hop#069 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

8: Hop#017 oo ay ku fadhiso Duniya Maxamed Cali.

9: Hop#020 oo uu ku fadhiyo Cali Axmed Shariif Cusmaan.

10: Hop#013 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay fadhiso Maryan Maxamed Xuseen.

11 Hop#021 oo ay ku fadhido Maryan Xaaji Cabdi Geedi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo geba-gabeeyay degaan doorashada labaad ee degmada Baraawe halka Maamulada Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay shaaciyeen kuraasta lagu qabanayo degaan doorashada labaad.