Galmudug Oo War Kasoo Saartay Natiijadii Imtixaankii Dugsiyada Sare Ee La Shaaciyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa war kasoo saaray Natiijadii imtixaanka dugsiga sare e Sanadkaaan Dowladdu qaadday, kaasi oo shalay la shaaciyay.

Qoorqoor oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in uu soodhaweynayo Natiijada kasoo baxday Imtixaanka, oo uu sheegay in Ardayda degaanada Galmudug ay guul aad u weyn ka keeneen Imtixaanka, isagoo si gaar ahaan u bogaadiyay Seddexda arday ee kasoo muuqday kaalimaha 1-aad, 3-aad iyo 10-aad ee Guud ahaan ardaydii imtixaanka galay dalka oo dhan.

Sidoo kale Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Madaxweynaha Galmudug ayaa bogaadiyay 10-kii iskuul ee magacooda kasoo muuqday 30-ka iskuul ee Soomaaliya ugu wanaagsan imtixaanka sanadkaan.

“Waxaa sharaf ii ah inaan farxadda guusha la qeybsado dhammaan ardayda reer Galmudug ee ka gudbay imtixaankii Fasalka 12-aad ee sanadkan, gaar ahaan 3da arday ee kasoo muuqday kaalimaha 1-aad, 3-aad iyo 10-aad ee Guud ahaan ardaydii imtixaanka galay dalka oo dhan. Waxaan bogaadinayaa 10-kii iskuul ee magacooda kasoo muuqday 30-ka iskuul ee Soomaaliya ugu wanaagsan imtixaanka sanadkaan, Waxaa bogaadin iyo hambalyo udiraya guud ahaan shacabka reer Galmudug gaar ahaan bahda waxbarashada Galmudug iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug oo juhdi iyo dadaal ku bixiyay in la xakameeyo tirada ardayda iyo tayada dugsiyada sare” ayuu yiri Madaxweynayha Galmudug.

Hadalka Qoorqoor ayaa imaanaya, iyadoo shalay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay Natiijada Imtixaanaadkii la qaaaday, waxaana Maamulka Galmudug uu ahaa kii ugu wanaagsanaa, ayada oo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 oo gashay. Jubaland waxaa gudbay 1,155 oo ka mid ah 1,158, waxaa haray kaliya saddex. HirShabelle, waxaa ka haray 8, waxaana gudbay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790.