Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dalka Koonfur Afrika saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha wadankaasi gaar ahaan gobolka Limpopo.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Kaariye ayaa Kooxaaha Burcada ah waxaa ay ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla gobolka Limpopo ee dalka Koonfur AfrikaDalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen,isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajahay xaalado adag.

Dalka Koomfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku Ganacsatada, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.