Ganacsade Soomaali ah oo muddo la la’aa oo meydkiisii la helay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ehelada nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo la waayey 13 bishan, ayaa xaqiijiyey in maydkiisii laga helay meel duur ah oo ku taal Mwea ee gobolka Kirinyaga oo Nairobi u jirta 180 km.

Waxay intaa ku dareen in meydaka marxuum Bashiir Maxamed Gaboobe laga helay meel duur ah ka dibna la geeyey qolka maydka ee magaaladaas Mwea, waxaanay sheegeen in maydka ay ku yaaleen rasaas iyo nabarro kale oo jidh dil ah.

Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalkan Kenya.

Bashiir Maxamuud ayaa muddo todobaaddo ah la la’aa meel uu jaan iyo cidhib dhigay, balse waxaa maalmo yar kaddib waayitaankiisii duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay.

Bashiir oo Ganacsade ahaa ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay Kenya , hayeeshee musiibadaan deg dega ah ay qabsatay.

Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

Soomalida ku nool Magaalada Nairobi ayaa qaarkood waxaa soo wajahay walwal dhinaca Amniga ah maadaama la dilay in Ganacsade Soomaali Mareykan ahaa, xilli uun ku guda jiray howlihiisii caadiga ahaa.