Gantaal aan la qaban karin oo Shiinaha soo bandhigay iyo Maraykanka ka walacsan.

Lockheed Martin's hypersonic Air-launched Rapid Response Weapon (ARRW) is intended to travel 500 miles in just 10 minutes once fired from a B-52 bomber. That's 3,000 mph, versus about 500 mph for a conventional weapon. Mike Tsukamoto/staff; Lockheed Martin; USAF

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sarkaalka ugu sareeya ciidammada Maraykanka, Mark Milley, ayaa xaqiijiyay in Shiinuhu uu dhawaan tijaabiyay gantaal xambaara nukliyeerka kaas oo ku wareegay dhulka.

General Milley ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid aad looga walaaco, wuxuuna sheegay in ay soo jiidatay dareenka dhammaan ciidammada. Wuxuu TV-ga Bloomberg u sheegay in tijaabadii dhawaan ee gantaalka xawaarihiisu dheereeyo ee Shiinaha uu u dhowyahay inuu noqdo Sputnik– dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee 1957-kii ee Soofiyeedka– kaas oo huriyay tartanka hawada sare ee Dagaalkii Qaboobaa.

Gantaalada Hypersonic waxay ku socdaan xawaare ka badan lix kun oo kiilo mitir saacadii, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la ogaado ama la burburiyo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Mareykanka ayaa ka naxay horumarka muuqda ee Shiinaha, inkastoo xukuumadda Beijing ay durbaba beenisay warbixinta ku saabsan inay si xawli ah u hormarinayso hubkeeda xambaara nukliyeerka.