Gantaal halis ah oo laga soo riday dalka Hindia oo ku dhacay Pakistan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Gaashaandhigga ee Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay ku qiratay in gantaal dalka Pakistan 9-kii bishan uu ahaa mid si khaldan loo riday oo ka yimid dhanka Hindiya, haddana uu socdo baadhitaan heer sare ah oo la xidhiidha dhacdadaas.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yidhi: “Gantaalka si khaldan ayaa loo riday 9-kii March, waxaana sababtay cillad farsamo oo ku timid tijaabooyinka caadiga ah.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay dowladda gaadheen wararka ku saabsan in gantaalkaas uu ku dhacay dhulka Pakistan, “inkastoo ay dhacdadan musiibo ahaydna ay dowladda Hindiya diyaar u tahay inay ogaato khasaaraha ka dhashay.”

“Annagoo aad uga qoomameyneyna khaladka dhacay haddana waxaan ku faraxsan nahay in uusan jirin khasaare aad u baaxad weyn,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Galinkii dmabe ee Arbacada, oo ay taariikhdu ku beegneyd, March 9, 2022, ayuu si lama filaan ah gantaalkaas ugu dhacay magaalada Mian Channu ee hoos tagta maamulka degmada Khanewal ee dalka Pakistan.

Dadka deegaanka ayaa arkay shey xawaare aad u dheereeya ku socday oo ku dhacay dhulka, wararkii ugu horreeyay ee soo baxayna waxay sheegayeen in diyaarad khaas ah ay halkaas ku burburtay.

Goor dambena, Maj. Babar Iftikhar, oo ah Agaasimaha Guud ee Waxada militeriga u qaabilsan dhinaca xiriirka dadweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta ku sharraxay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in “shey xawaare dheer ku socda” uu Arbacadii uga soo dhacay dhinaca Hindiya.

Gantaalka ayaa ku dhacay afaafka hore ee xero lagu tababaro booliska, isagoo halkaas ku dilay ugu yaraan labo qof.

“Saacaddu markii ay ahayd 6:43 pm, March 9, Ciidamada Cirka ee Pakistan waxa ay arkeen sheg aad u ordaya oo kasoo duulay dhinaca Hindiya”, ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in markii hore uu ku duulayay gudaha Hindiya balse uu si lama filaan ah mar qura jihadiisa ugu baddalay dhinaca Pakistan, uuna ku xad gudbay hawada Pakistan, markii dambena uu dhulka ku dhacay abaare 6:50 pm.

Af hayeenka u hadlay militeriga Pakistan ma uusan magacaabin gantaalkaas, balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay mid loo yaqaanno “Brahmos”, sida ay qortay BBC-da laanteeda luuqadda Urdu-ga.

Muxuu yahay Brahmos?

Gantaalka loo yaqaanno BrahMos, oo militeriga Hindiya ay ugu talogaleen dagaalka, waxa uu ka mid yahay hubka sida joogtada ah loo tijaabiyo.

Waxaa lagu farsameeyay iskaashi ay sameeyeen waaxda difaaca ee Hindiya iyo shirkad laga leeyahay Ruushka.

Labada waddan ayaa gantaalkan sameyntiisa ku guuleystay sanadkii 1998-kii.

Magaca “Brahmos” waxa uu ka kooban yahay labo eray oo laga soo gaabiyay magacyada labo webi oo mara Hindiya. Magacyada labada webi oo dhammeystiran waa Brahmaputra iyo Mosskov, waxayna kasoo qulqulaan ilaa galbeedka dalka Ruushka.

Xawaaraha ugu sarreeya ee gantaalka BrahMos waxa uu gaaraa 2.8 ‘match’ (oo ah qiyaastii 3,450 km saacaddiiba, ama 2,148 oo meyl saacaddiida).

Aad bay u adag tahay in gantaalkan lagu qabto qalabka difaaca hawada ee lidka gantaallada.

Waxa uu sidoo kale awood u leeyahay in uu mararka qaar ka dhuunto raadaarka qabta waxyaabaha duulaya.

BrahMos waxa uu hawada sare kor ugu kici karaa ilaa 15 km oo ka sarreysa dhulka. Waxa uu xambaari karaa rasaas culeyskeedu gaadhayo 200 ilaa 300 kilogram. Balse awood uma laha in uu qaado madaxyada nuclear-ka..

Sources: BBC