Gantaalo lala dhacay saldhigga Mareykanka ee Ciraaq

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saddex gantaal ayaa lala beegsaday saldhig milateri oo Maraykanku ku leeyahay meel u dhow isgoyska Jerishan ee ku yaal xadka Ciraaq iyo Kuwait, sida uu sarkaal boolis ah u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wuxuu sheegay in laba gantaal ay ku dhaceen agagaarka saldhigga, halka kan saddexaadna uu ku dhacay dhinaca Kuwait ee xadka.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, gantaalka dhanka kalane ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Ciraaq iyo ciidamada Mareykanka ee dalkaas ayaan weli ka hadlin dhacdadan wax khaasare ah oo ka soo gaaray.

Bilihii la soo dhaafay, saldhigyada milateri ee ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa lala beegsaday weerarro gantaal waxayna Washington inta badan ku eedeysay kooxaha hubeysan ee taabacsan Iran in ay mas’uul ka yihiin