MUQDISHO-AYAAMAHA-Markii Xasan Cali Kheyre loo magacaabay Raysulwasaaraha dalka, si aan kalahar laheyn ayuu Murusade u taageeray. Intii uu xilka hayayna abaal kuma sheegan, wuxuuna fagaare ka sheegay in uu si ku talagal ah uga uga ilaalin jiray xafiiskiisa. Markii xilka laga qaadayna kama harin ee taageeradii ayay u sii labajibbaareen.
Xisbigii Daljir ee Xasan Macallin Guddoomiyaha ka ahaa waxay kaalin mug leh ku lahaayeen doorashadii Farmaajo, sida la wariyayna wuxuu u ballanqaaday in uu Raysulwasaare siin doono. Farmaajo ballankaas ma fulin ee wuxuu macaabay Xasan Cali Kheyre. Xasan Macallin xilligaas uma dhardhigan in uu mucaarado Kheyrre oo la siiyay miraha guushii uu wax ka soo hooyay, lamana hayo isagoo hal maalin warbaahinta ama Golaha Shacabka ka mucaaraday dowladdii uu Kheyre hoggaankeeda ku jiray.
Sidaasna ugama harin ee waxay dowladdii Kheyre Raysulwasaaraha ka ahaa qorsheysay in ay xirto. Xeerilaaliyihii Dowladda ayaana Dec 17, 2017 waxay Xasasn Macallin ku soo eedeysay in uu qarandumis yahay, waxayna Guddoonkii Golaha Shacabka ka dalbatay in xasaanadda laga qaado, si xabsi la dhigo. In kastoo aysan dhicin oo Guddoomiye Jawaari ka soo horjeestay.
Waxaa la ii sheegay in maalmihii ololaha doorashadu socotay uu Xasan Macallin tegay xaflad uu Murusade ku taageerayay Xasan Kheyrre. Waxan maqlay in Hassan Sheikhali xafladdii ka hadlay oo Murusade ka codsaday in ay hiil iyo hoo wiilkooda la garab istaagaan. Balse isagu ma taageerin ee wuxuu doortay in uu la jabhadeeyo saaxiibbadiis ay isla soo jabeen.
Doorashadu waa shul iyo shal aad guul iyo guuldarraba ka filan karto. In maanta oo kooxdii Xasan Macallin guuleysteen uu Kheyre soo abaabulo xildhibaannada Murusade, si Xasan Macallin loo go’doomiyo waa xaasidnimo, quuriwaa’ iyo dhaqan gumeed oo dhaleeceyn mudan. Murusade waa beel ka weyn in masiirkoodu hal qof u afduubnaado. Xasan Kheyre in ku filan waa la soo taageeray, waana in uu ogolaado in sidii hoggaanka dalku u wareegay uu haggaanka reerkuna uga wareegi karo, oo walaalkiis fursad helo.
Waxaa qoray Hussein Sabriye.