Garabka Gudoomiye Cabdi Xaashi oo gudoomiye doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada Somaliland ee garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhoweyd Guddoon ku doortay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi oo ka kooban 4-xubnood ayaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland u doortay inuu noqdo Suleyman Caydiid Cismaan, halka ku-xigeenka loo doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa loo doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale, waxaana doorashada ka qeyb ahaa saddexda xubnood ee Guddiga ee uu soo magacaabay RW Rooble.

Waa doorashadii labaad oo maanta ka dhacda Muqdisho, Rooble uu si buuxda taageeray garabka Mahdi Guuleed.