Gargaar Farabadan Oo La Gaarsiiyey Gobolka Tigray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Sabti ah ayaa Itoobiya waxaa la gaarsiiyey in in ka badan 150 gaadiid sida gargaar Bani’aaadanimo uu labadii maalmood ee la soo dhaafay gaaray Gobolka ay dagaalladu la degeen ee Tigray, ka dib markii Qaramada Midoobay ay ka digtay masiibo ku soo fool leh gobolkan ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan sheegay in xannibaadda gargaarka ee saaran gobolka ay uga sii darayso dhibaatada Bini’aadanimo ee ka jirta Tigray iyo in malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin gaajo.

Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku boorriyay dowladda Itoobiya in ay dardar-geliso dadaallada lagu xaqiijinayo in gargaar la gaarsiiyo gobolka oo ay dagaallo ka socdeen muddo 10 bilood ah.

Wasaaradda Nabadda ee Itoobiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in illaa toddobaadkii hore ay socdeen dadaallo lagu doonayo in lagu fududeeyo dhaqdhaqaaqa gargaarka Bani’aadamnimada ee gobolka Tigray.