Garoonka Aadan Cadde oo kasoo dagay Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor.

Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor
Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada oo si gaar ah uga tirsan Ururka 9-aad ee Kumaandooska Gor-gor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka dhulka Biixi oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Ciidanka Gorgor ay qeyb ka yihiin howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan Gobollada dalka, isagoona sheegay inay soo qaateen tababar Casri ah.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee tababarka u soo siisay Ciidamada ka tirsan kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor, wuxuuna xusay in tababarkooda uu yahay mid kalsooni weyn ay ku qabaan.

Turkiga ayaa ciidamo farabadan uu tababaray kasoo dega Garoonka Aadan Cadde inkastoo ay weli ka adkaan la’yihii Al-shabaab.