Garoowe oo lagu qabtay shir looga hadlayay Amniga.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka oo looga hadlayay Amniga Caasimadda Garoowe iyo Xaalufka Dhirta ayaa waxaa Maanta  lagu qaabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaalada Puntland, Wasiir ku xigeenka Amniga,Taliye Ku Xigeenka Booliska Puntland,Guddoomiyaha Gobolka Nugaal,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal,Gudoomiyaha Degmada Garowe,Taliye Ku Xigeenka Qaybta,Islaan Ciise Islaan Maxamed,Suldaan Garaase,Odayaasha Dhaqanka,Haween Iyo Marti Sharaf Kale.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii looga jortagi lahaa Dadka Amni darrada ka wada Caasimadda Gobolka Nugaal ee Magaalada Garoowe iyo sidii looga hortegi lahaa  dadka ka wada xaalufitanta Dhirka Degaanka.

Mas’uliyiintii iyo waxgaradkii Madasha ka hadlay ayaa aad uga hadlay sidii Amniga looga wada Shaqayn lahaa Amniga Caasimada Ciidamada kala duwan ee Ammaanka Maamulka Puntland.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay Amniga Magaalada.