Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo dalbaday in gebi ahaanba meesha laga saaro dacwadda Fahad Yaasiin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa Maxkamadda sare ka dalbaday inay gebi ahaanba diido dacwadda uu soo gudbiyay Qareenka Fahad Yaasiin ee ku saabsanaa kursiga HOP086, isla markaana ayiddo go’aanka Guddiga FEIT ee ah in lagu celiyo qabashada Kursigiisa.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo xiganaya dhammaan heshiisyada doorashada ayaa soo bandhigay qodobo aad u fara badan kuwaas oo meesha ka saaraya waxyaabaha uu ku dacwoonayo qareenka u dooddaya Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Garyaqaanka guud waxa uu muujiyay in Maxkamadda Sare aysan xaq u lahayn in gasho dacwadaan sababo la xariira in aan lagu xusin habraacyada doorashada ee dalka.

Arrintani waxa ay caqabad ka dhigi doontaa in Maxkamadda Sare ay qaadato go’aan lid ku ah go’aankii Guddiga FEIT, dhanka kale-na waxa ay rajadiisa god dheer kusii rideysaa Fahad Yaasiin.