Garyaqaanka Guud oo Dalab cusub u diray Maxkamadda Sare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa jawaab iyo dalab codsi ah u diray maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Qoraalka ayaa ku saabsanaa jawaabta laga sugayo Garyaqaanka Guud ee ku saabsan Dacwad uu Maxkamadda Sare u qortay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Axmed Daahir oo ka dhan ah Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT.

Garyaqaabka guud ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu telefoon kula hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isla markaana ay isla garteen inay jawaabta dacwadda u baahan tahay waqti dheeraad ah.

Dalabka Garyaqaanka Guud ayaa ah in la siiyo muddo 2 toddobaad ah oo uu ku diyaariyo jawaabta dacwadda ka timid Fahad Yaasiin, iyadoo dacweysanaha oo ah Guddiga FEIT laga sugayo jawaabta.

Hoos ka akhriso.

Ujeeddo: Codsi waqti labo usbuuc ah

Mudane Guddoomiye Anigoo tixraacayo wada hadalkeenii khadka Taleefoonka oo aan isla garanay in loo baahan yahay in la helo waqti macquul ah oo lagu soo diyaarinkaro jawaab-celinta nalooga baahanyahay iyo Warqadaha sumadahoodu kala yihiin.

MSIXKS/045/2022, ee 12 April 2022, kana soo baxday maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu farayay Xafiiska Garyaqaanka Guud inuu Jawaab-celintiisa ku keeno 13/04/2022, ayadoo Jawaab u ahayd Warqaddii Xafiiska Garyaqaanka Guud uu hore ugu soo diray Maxkamadda Sare oo ay Summaddeedu ahayd XGG/073/2022 ee soo baxday 10/04/2022 oo aan uga codsanay Maxkamadda Sare in nala siiyo waqti aan ku soo diyaarino Jawaab-celinta Dacwadda ay noo soo gubisay.

Hadaba waxaan mudane Guddoomiye si xushmad leh kuugu wargalinayaa in aan u dirnay Wargada sumadeedu tahay XGG/072/2022 ee 10/04/2022 Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo aan uga codsanay inuu sida ugu dhaqsida badan noogu soo gudbiyaan Caddaymaha looga baahan yahay si looga difaaco Dacwadda loo ahaysto.

Sidaa darteed Muddane Gudoomiye waxaa si xushmad leh kaaga codsanaynaa mar labaad in aad noo oggolaato waqtiga aan kor ku soo xusnay.