Geddi Socodka deyn cafinta Soomaaliya oo markale dib loo billaabay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa yeeshay shir ku qabsoomay habka fogaan aragga ee Zoom-ka oo looga hadlaayey hannaanka Geddi Socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Shir ayaa waxana shir Guddoomiyay Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud oo horey u balan qaaday in dhaqaalaha Soomaaliya uu wax ka bedeli doono.

Shirka ayaa looga hadlay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo sharuudaha dhamaystirka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dalka aad muhiim ugu ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka in la sii waddo dadaalada lagu xaqiijinayo dib- u – habeynta hannaanka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa weli dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, iyada oo ay jiraan dalal dhowr ah oo horay deymaha uga cafiyay.