Geerida gabar haysata dhalashada Norway oo abuurtay shaki badan iyo Booliska oo ka hadlay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliiska Soomaaliya ayaa baaraya geerida Haweeney Soomaaliyeed ah oo dhallinyaro ah oo haystay dalashada Norway oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in dhimashada gabadhan ay abuurtay shaki badan ayna baarayaan.

Wasaaradda arrimaha dibeda Norway ayaa sheegtay inay ka warqabto in muwaadin norwiiji ah uu ku dhintay Soomaaliya.

Mathias Rongved oo ah sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay inay waqti dheer ku qaadanayso in si rasmi ah ay u xaqiijiyaan geerida gabadhan.

Dowladda Norway waxay sheegtay in safaaraddeeda Nairobi kutaalla ay si dhow ula socondoonto kiiskan, lana xiriiri karaan ehelada gabadha geeriyootay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Muqdisho ku geeriyootay Kamac Ducaale oo la sheegay in dareel xumo caafimaad u geeriyootay, kadib markii waalidiinteedu ay galiyeen xabsi guri galiyeen, sida la sheegay.