Geerida Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo si weyn u taabay Bulshadda Soomaaliyeed.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Geerida Prof Jawaari ayaa waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah qoyskiisa.

Prof Jawaari ayaa la sheegay in maalmahii laso dhaafay uu xanuunsana, islamarkaana xanuunkaas uu u geeriyooday, walow aanan wali shaacin xanuunka uu u geeriyooday Prof Jawaari.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidookale siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiye Jawaari oo si weyn looga dhex dareemayo baraha bulshada.

AUN Jawaari wuxuu sanadkii 1945, ku dhashay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga sharciga , isaga oo ka ka soo shaqeeyay dhowr dastuur oo Soomaaliya yeelatay laga soo bilaabo 1960-kii.

Allah u naxariiste Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku geeriyooday da’da 79 sano, waxuuna labo mar soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.