Generaal Xuud oo ugu dambeyn ogolaaday inuu la heshiiyo Maamulka Hirshabeelle.

MUQDISHO-AYAAMAHA-General Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inu Wada-hadal La galay Dowladda federaalku iyo Maamulka Hir-shabeelle, kadib shir jaraa’id uu Maanta qabtay.

Goor dhaweyd waxaa si wadajir ah u qabtay Xuud iyo Taliyaha dhulka Xooga General Maxamed Tahliil Biixi, kaasi oo gaaray baaldweyne si loo dhammeeyo dagaalku uuw ado Generaal Xuud,oo in muddo ah dagaalkulajiray maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaamiye Cali Guudlaawe Xuseen madaxweynaha Maamulkaasi.

Xuud ayaa sheegay in Taliyaha dhulka Xooga General Maxamed Tahliil Biixi uu  Baladweyne u yimid dan iyo maslax guud iyo in la dhammeeyo dagaalka.

Waxaa sidoo kale uu intaa ku daray in xaq uu ka maqan yahay Gobolka Hiiraan, isagoo  sheegay wixii hadda ka dambeeya ay si wada hadal ah ay ku raadinayaan xaqa ka maqan oo uu sheegay in markii hore uu u dagaalamaayay.

Xuud ayaa mamulka Hirshabeelle si weyn uladagaalamay, waxaana magaalada baladweyne ee xarunta Gobolkaasi ka dhacay dagaallo culus oo khasaaro badan dhaliyay, kuwaasi oo dad shacab ah ay ku barakaceen.