General Bashiir Goobe oo si kulul ugu jawaabay eedeyn loo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

General Bashiir Goobe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo ah sarkaalka ugu Derejada sarreeya Ciidamada Soomaaliya, ayaa kajawaabay eedeyntii uu usoo jedeyaya Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir Ra’isulwasaare Rooble Taas oo uu ku eedeyay   in uu Guri Raaxo Ka Dhisanayo Dhulkii Ciidamada Badda soomaliya  ay Lahaayeen.

Bashiir Ahmed jaamac ayaa shegay in Goobta ay deganyihiin Dhowr jeneraal oo horay ugu soo  shaqeeyay Dalkaan  iyo kuwo hadda shaqeeyo, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay meesha ku degan  yihiin Amar Madaxweyne.

“Dhulka uu shegay in laboobay Taliya ciidanka badda ogaanshaheeyga ma ahan dhul ay ciidan leeyihiin waxa uuna saran yahay xeebta;, ayuu yiri jeneraal bashiir goobe oo ka jawaabayay edeeyn loo doo jedeysy  Ra’isulwasaare Rooble

Isagoo sii hadlayay ayuu shegay in arintaan ay Dalka u horseedi karto Khatar maadaama uu Dalku ku jiro Doorsho iyo kala guur, waxaa uuna cadeeyay in Hadalka taliyaha kasoo yeraya aanan loo qadan karin in uu ka danbeeyo Madaxweyne Farmaajo.

“Madaxweyne farmaajo iyo Ra’isulwasaare Maxamed xuseen rooble waxaa ka dhaxeeyo is ixtiraam iyo wada,shaqeeyn joogta ah wax khilaaf ahna Uma dhaxeeyaan; ayuu yiri bashiir Goobe oo sii Hadlayay,

Hadalka Bashiir Ahmed jaamac ayaa kusoo aadayo xili Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir uu ku eedeyay Ra’isulwasaare Rooble in uu Dhisanayo Dhulkii Ciidamada bada soomaaliya.